Tuchel oo bar-tilmaameed ka dhiganaya inuu soo celiyo rikoor gaar ah uu horey uga sameeyay Ancelotti kooxda Chelsea

(London) 20 Feb 2021. Tababaraha reer Germany iyo kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa raadinaya inuu rikoor fiican kula gaaro Blues horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta ee Southampton ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League galabta la balansan naadiga Chelsea.

Blues oo dardar xooggan ku socota tan iyo markii shaqada kooxda uu la wareegay Macallin Thomas Tuchel ayaa wajihi doonta tijaabo adag galabta marka ay booqdaan garoonka St. Mary’s Stadium.

Sida laga soo xigtay bogga rasmiga ah “Twitter-ka” ee horyaalka Premier League, Chelsea ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka, iyadoo uu hogaaminayo tababare Thomas Tuchel.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in tababarihii ugu dambeeyay Chelsea ah ee guul gaaray saddexdiisii kulan ugu horeeyay ee horyaalka Premier League ku ciyaaray meel ka baxsan garoonka Stamford Bridge uu ahaa Carlo Ancelotti sanadkii 2009.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Chelsea ayaa kala horeynta horyaalka Premier League uga jirto kaalinta afaraad, waxaana ay leedahay 42-dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close