Toni Kroos oo ka hadlay suurtagalnimada Zidane looga ceyrin karo kooxda Real Madrid

(Madrid) 20 Feb 2021. Waxaa shaki la galinayaa booska tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane, kaddib xaalada adag ay gashay kooxda guuldarrooyinkii soo gaaray xilli ciyaareedkan.

Haddaba Toni Kroos ayaa ka hadlay mustaqbalka Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid, wuxuuna sheegay in ka hadlida mustaqbalka Zidane ay tahay mid lama huraan ah, marka loo fiiriyo culeyska jira.

Yeelkeeda, laacibka reer Germany ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Zidane, wuxuuna yiri:

“Waxaa jiray hadalo ku saabsan dhanka tababaraha seddex ama afar jeer, hadaladan waxay soo laaban doonaan markale haddii aan guuldarreysano, ma ahan inaan ka walwalo taas.”

Intaas kaddib Kroos ayaa carabka ku adkeeyay in Real Madrid ay qasab ku tahay inay guuleysato seddexdooda kulan ee soo socota ee horyaalka Spain si ay usii wadaan cadaadiska hogaamiyaasha Atlético Madrid, isagoo sharraxaya wuxuu yiri:

“Sagaalkan dhibcood waa lagama maarmaan feker ahaanteyda, ma hilmaami karno ujeedkeena, waa seddexda kulan oo ay tahay inaan guuleysano, iyadoo ay jirto inaanan u guuleysan si nagu filan xilli ciyaareedkan.”

“Waxaan la ciyaarnay Valencia ciyaar ku saabsan tayada kubadda cagta, waxaana rajeynayaa inaan tani sii wadi doono isbuucyada soo socda.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close