Muxuu Pep Guardiola ka yiri xaaladda dhaawac ee İlkay Gündoğan kahor kulanka Arsenal?

(Manchester) 20 Feb 2021. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in İlkay Gündoğan uu ku soo laabtay tababarka guud ee kooxda jimcihii shalay, sidaas darteedna la filayo inuu diyaar u noqdo inuu ka qeyb galo kulanka Arsenal ee horyaalka Premier League.

İlkay Gündoğan ayaa ahaa muddadii ugu dambeysay xiddiga koowaad ee kooxda Manchester City, kaddib markii uu ku guuleystay inuu dhaliyo goolal badan, sidoo kale wuxuu bixiyay baasas muhiim ah, taasoo ka dhigtay inuu ku guuleysto abaal-marinta ciyaaryahanka bisha ee horyaalka Premier League.

Haddaba Pep Guardiola ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Arsenal wuxuuna kaga hadlay xaaladda kooxdiisa Manchester City, wuxuuna yiri:

“Nathan Aké wuxuu ku soo laabtay tababarka kaligiis laakiin wuxuu ku dhow yahay inuu soo laabto.”

“Gündoğan wuxuu ka qeyb galay tababarka maanta, berri waan arki doonaa sida uu dareemayo, Inta kale ee hartay waa diyaar, oo ay ku jiraan Sergio Aguero iyo Kevin Kevin De Bruyne”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close