Kooxaha Chelsea, Liverpool, Real Madrid, Atletico, Bayern Munich & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono SHANTA horyaal ee ugu waa weyn Yurub

(Yurub) 20 Feb 2021. Kulamo ka tirsan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga dalka Jarmalka iyo Ligue 1.

Kooxaha Chelsea, Liverpool, Real Madrid, Atletico Madrid iyo Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha maanta iyo caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League waxaa ugu madax fiiqan kulanka ay wada dheeli doonaan Chelsea iyo Southampton & midka ay Liverpool ay soo dhaweyneyso kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Everton.

Horyaalka La Ligaha Spain kulanka ugu weyn caawa waa mid ay Kooxda Real Madrid marti u noqon doonto Real Valladolid, halka horyaalka Bundesliga ay Bayern Munich galabta booqan doonto Eintracht Frankfurt.

Dhinaca kale horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga Kooxda Lazio ayaa soo dhoweynaysa Sampdoria, halka Bologna ay booqanayso Sassuolo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

03:30 Galabnimo Southampton vs Chelsea

06:00 Maqribnimo Burnley vs West Bromwich Albion

08:30 Habeennimo Liverpool vs Everton

11:00 Habeennimo Fulham vs Sheffield United

SPAIN – LALIGA SANTANDER

04:00 Galabnimo Elche vs Eibar

06:15 Maqribnimo Atletico Madrid vs Levante

08:30 Habeennimo Valencia vs Celta Vigo

11:00 Habeennimo Real Valladolid vs Real Madrid

ITALY – SERIE A

05:00 Galabnimo Lazio vs Sampdoria

08:00 Habeennimo Genoa vs Hellas Verona

10:45 Habeennimo Sassuolo vs Bologna

GERMANY – BUNDESLIGA

05:30 Galabnnimo 1. FC Köln vs VfB Stuttgart

05:30 Galabnnimo Borussia Moenchengladbach vs Mainz 05

05:30 Galabnnimo Eintracht Frankfurt vs Bayern Munich

05:30 Galabnnimo Freiburg vs Union Berlin

08:30 Habeennimo Schalke 04 vs Borussia Dortmund

FRANCE – LIGUE 1

03:00 Galabnimo Saint-Etienne vs Reims

07:00 Fiidnimo Nantes vs Marseille

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close