Mason Greenwood oo shaaca ka qaaday xiddiga uu kaga daydo kubadda cagta

(Manchester) 19 Feb 2021. Xiddiga da’ada yar reer England iyo kooxda Manchester United ee Mason Greenwood ayaa si cad u sheegay in xiddiga uu kaga daydo kubadda cagta uu yahay halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario.

Wargeyska “The Sun” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Mason Greenwood, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaa jira hal ciyaaryahan oo aan daawaday, kaasoo ah Ronaldo-ha reer Brazil.”

“Waxaan ka daawan jiray fiidiyowyaashiisa gaariga dhexdiisa marka aan tababarka u sii socdo maalin kasta.”

Image result for Greenwood and Ronaldo Nazario

“Waxaan isugu dayaa tababarka waxaana ku sameeyaa kulammada, markasta waxaan caadeystay inaan daawado isaga, aad ayaan ula dhacsanahay qaabka uu u gambinayo.”

“Had iyo jeer waxaan dareenkeyga u soo jeediyaa isaga, waxaan daawadaa isaga, waxaan sidoo kale daawadaa qaabka uu u soo afjaro weerarada, sida uu wax u sameeyo, iyo arrimaha kale ee noocaas ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close