Guardiola oo sharaxaad ka bixiyay xaaladda dhaawaca İlkay Gündoğan ka hor kulanka Arsenal

(Manchester) 18 Feb 2021. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday xajmiga dhaawaca xiddigiisa reer Jarmal ee Iİlkay Gündoğan, iyo suurtagalnimada uu kaga maqnaan karo kulanka soo socda ee Man City ay la ciyaari doonto Arsenal.

Manchester City ayaa Axada kula ciyaari doonto kooxda Arsenal ciyaar ka tirsan kulamada horyaalka Premier League.

Iİlkay Gündoğan ayaa bandhig fiican ka sameeyay safka kooxda Manchester City xilliyadii ugu dambeeyay, maadaama uu kooxda ka caawiyay inay gaarto 17 guu oo xiriir ah, isagoo dhaliyay 11 gool 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League.

Laakiin Iİlkay Gündoğan ayaa seegay kulankii ay xalay kooxdiisa Manchester City la ciyaartay Everton, kaasoo ay City ku adkaatay 1-3, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray bowdada kulankii Tottenham Hotspur.

Haddaba Pep Guardiola ayaa ka hadlay shir jaraa’id kaddib ciyaartii Man City iyo Everton, wuxuuna yiri:

“Aad ayuu u fiican yahay, dhib weyn ma qabo, laakiin waxaan iska ilaalinay halista kulanka Everton, waxaana siinay maalmo kooban oo uu ku soo kabto.”

“Laakiin kulamada Arsenal iyo Borussia Monchengladbach, waa inuu diyaar ahaado. ”

“Dabcan Gündoğan waa mid gaar ah, haddii aad rabto inaad ku guuleysato koobab iyo finalo, waxaan u baahanahay inaad heysato kooxda oo dhan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close