Pep Guardiola oo garab istaagay dhigiisa Liverpool ee Jurgen Klopp

(Manchester) 16 Feb 2021. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa garab istaag u muujiyay dhigiisa Liverpool ee Jurgen Klopp, kaddib markii uu macalinka reer Germany qiray inay aad u liidato rajada ay kooxdiisa ka qabtay inay difaacato horyaalka Premier League markii labaad ee xiriir ah.

 Leicester City ayaa garoonkeeda King Power guul weyn kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Klopp ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu hagaajiyo nasiibka kooxda, wuxuuna intaa ku daray inuusan u baahnayn nasiino dhanka tababarka ah.

Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta kahor kulankii Everton ee Arbacada:

“Aad ayaan ugu naxsanahay isaga, sababtoo ah waxa uu ku sameeyay kubadda cagta waxay ahaayeen wax aan caadi aheyn.”

“Dhamaanteen waxaan soo marnaa waqtiyo wanaagsan iyo waqtiyo xunba, mana jiro tababare sii wadi kara bandhigyada wanaagsan sanado iyo sanado.”

“Mararka qaar guuldarrada waxay kuu lahaan kartaa faa’iido si dadku u ogaadaan sida ay howshu u adag tahay.”

“Marka aad toosto oo aad guuleysato kulammada, waxaad ku heleysaa ammaan badan shaqadaada.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close