David Alaba oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Bayern Munich

(Bayern) 16 Feb 2021. Daafaca reer Austria iyo kooxda Bayern Munich ee David Alaba, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo naadiga reer Germany dhamaadka xilli ciyaareedkan.

David Alaba ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday maanta oo Talaado ah wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa, wuxuuna yiri:

“Waxaan qaatay go’aan ah inaan ka tago Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan isla markaana aan aado khibrad kale ee cusub.”

“Way iska cadahay inuusan aheyn go’aan fudud, waxaan halkaan joogay 13 sano, kooxdaana macno weyn ayey ii leedahay.”

“Waxba kama sheegi doono hada kooxdeyda soo socota, waxaan haystaa kooxo badan oo xiisaynaya inaan ku biiro.”

Waxaa lagu soo waramayaa in qandaraaska David Alaba ee Bayern Munich uu ku egyahay xagaaga soo aadan, labada dhinac ayaana ku guuldareystay inay heshiis ka gaaraan qandaraas kordhinta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close