Pochettino oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha PSG ee ka qeyb galaya kulanka Barcelona… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Paris) 15 Feb 2021. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa shaaciyay liiska 22-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka adag wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League ay kula ciyaari doonaan naadiga Barcelona.

Mauricio Pochettino liiska uu magacaabay xiddigihiisa Paris Saint-Germain uu ula safrayo kulanka ay habeen dambe booqan doonaan kooxda Barcelona waxaa hoggaamineya xiddigaha Kylian Mbappé iyo Marco Verratti.

Laakiin kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa kulankan ciyaari doonta iyadoo ay dhaawacyo kala duwan kaga maqan yihiin xiddigaha Neymar, Ángel Di María, Juan Bernat iyo Colin Dagba, halka Pochettino uu liiskiisa ka reebay Denis Franchi, Xavi Simons iyo Pembélé.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Paris Saint-Germain ay kala qeyb galayso kulanka Barcelona ee tartanka UEFA Champions League:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close