Xaqiiqooyin aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka galabta dhexmaraya Kooxaha West Bromwich Albion iyo Manchester United

(Manchester) 14 Feb 2021. Kooxda kubadda cagta West Bromwich Albion ayaa garoonkeeda The Hawthorns ku soo dhoweynaysa naadiga Manchester United kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League, waxaana ciyaartan la baasan doonaa 5:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Waxa ay kaalinta labaad kaga jirtaa West Brom kaalimaha ugu hooseeya horyaalka, halka Man United ay doonayso galabta inay dib ugu soo laabato kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

The Baggies ayaa 13 dhibcood u jirta kaalimaha looga badbaado u laabashada heerka labaad ee Ingiriiska, halka Man United ay siddeed dhibcood ka dambeyso hoggaamiyeyaasha horyaalka Premier League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xaqiiqooyinka ku aaddan kulanka galabta dhexmaraya Kooxaha West Borm iyo Man United:-

>- West Brom ayaa guuldarro la kulantay sagaal ka mid ah 12-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Manchester United horyaalka Premier League, waxaana ay ka haysataa 1 guul iyo 2 barbaro.

>- Manchester United ayaa indhaha ku haysa inay hore iyo gadaal u marto oo ay minin iyo martiba kaga adkaato West Brom markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2011-12 markaasoo ay ka hoos ciyaarayeen Macallin Sir Alex Ferguson.

West Bromwich Albion

>- West Brom ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13-keedii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka, waxaana ay la kulantay 3 barbaro iyo 9 guuldarro.

>- The Baggies ayaa halka guul oo ay garoonkeeda ku gaartay horyaalka xilli ciyaareedkan, waxa ay dib ugu laabanaysaa bishii November, markaasoo ay 1-0 ku garaaceen kooxda ugu hooseysa horyaalka ee Sheffield United.

>- Waxa ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan afar ka mid ah shantoodii kulan ee la soo dhaafay oo ay garoonkooda ku ciyaareen.

>- Goolashooda oo ah 31 gool oo gurigooda looga dhaliyay ayaa ah kooxda ugu badan ee heerkaan ka ciyaara xilli ciyaareed sarre oo goolasha intaas la eg laga dhaliyey tan iyo Chelsea 1960-61.

>- Kooxda Macallin Sam Allardyce ayaa ku jirta qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee Premier League 12-kii kulan ee la soo dhaafay, iyagoo helay kaliya lix dhibcood.

>- Matheus Pereira ayaa dhaliyay 5 ka mid ah 10-kii gool ee ay West Brom ka dhalisay tartammada oo dhan intii uu joogay Macallin Allardyce.

Manchester United

>- Manchester United ayaa kaliya hal jeer guuldarro la kulantay 17-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka, waxaana ay haystaa 11 guul iyo 5 barbaro.

>- The Red Devils ayaa haatan guuldarro la’aan ah 18-kulan oo horyaalka Premier League ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana ay haystaa 13 guul iyo 5 barbaro, waana heerkeedii ugu fiicnaa ciyaaraha sare ee horyaalka Taariikhda, waana kooxda kaliya ee aan meel ka baxsan garoonkeeda lagu soo garaacin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

>- Man United ayaa badisay toddobo kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan iyadoo laga gacan sarreeyey, dhammaantoodna waxay yimaadeen kulamada ay martida tahay.

>- Lix ka mid ah siddeedda gool oo uu Marcus Rashford ka dhaliyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa yimid isagoo ku ciyaaraya meel ka baxsan garoonka kooxdiisa, sidoo kale waxa uu caawiye ka ahaa shan gool oo kale intii lagu guda jiray waqtigaas.

>- Bruno Fernandes, kaasoo 13 gool dhaliyey isla markaana sagaal gool caawiye ka ahaa xilli ciyaareedkan horyaalka ayaa noqon kara ciyaaryahankii afaraad ee Man United kaasoo tiro labo god ah gaara goolasha iyo caawinta hal xilli ciyaareed oo horyaalka Premier League ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close