Tababare Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska 19-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka adag ee Valencia

(Madrid) 14 Feb 2021. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 19-ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka adag horyaalka La Liga ay kula ciyaari doonaan naadiga Valencia

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay xiddigihiisa Real Madrid uu ula safrayo kulanka ay maqribka soo dhaweyn doonaan kooxda Valencia waxaa hoggaamineya xiddigaha Karim Benzema iyo Marco Asensio.

Liiska ayaa waxaa lagu arkay inay ku soo laabteen labada xiddig kala ah Dani Carvajal iyo Lucas Vázquez, kaddib markii ay ka soo kabteen dhaawicii soo gaadhay toddobaadyadii la soo dhaafay, sidoo kale waxaa liiskan ku soo baxay Toni Kroos kaddib markii uu ku seegay ganaax darteed, kulankii ugu dambeeyay ee Getafe.

Laakiin taas badelkeeda waxaa liiskan dhaawacyo kala duwan oo ay qabaan kaga maqan xiddigaha Marcelo, Sergio Ramos, Rodrygo, Federico Valverde, Eden Hazard, iyo Éder Militão.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Valencia ee horyaalka La Liga:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close