Muxuu Ronald Koeman ka yiri kaddib guushii ay Barcelona ka gaartay Deportivo Alaves?

(Barcelona) 14 Feb 2021. Tababaraha reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka hadlay guushii weyneyd ay Blaugrana kaga gaartay naadiga Deportivo Alaves horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa saddexda dhibcood  ka qaadatay kooxda Deportivo Alaves oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-1 ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ronald Koeman kaddib ciyaarta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waan ka helay sida ay ciyaartooydu u maareeyeen ciyaart, qeybtii hore uma fiicneyn sida qeybta dambe, inkastoo aan xakameynay xaalladah, waana ku faraxsanahay falcelinta intaas kadib.”

“Waxaan ku guuleysanay inaan nasino tiro badan oo ciyaartooy ah, sababa la xiriira kulanka soo socda, Trincao wuu fiicnaa maanta, inkasta oo Deportivo Alaves ay si fiican u xirtay boosaska banana.”

“Riqui Puig wuxuu waxyaabo badan ka horumariyay kooxda, wuxuu had iyo jeer muujiyaa kalsoonidiisa wuxuuna kooxda ku soo kordhiyay awood badan, Riqui wuxuu ciyaaray kulan aad u wanaagsan maanta.”

Intaas kaddib Tababaraha reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ka hadlay kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain, wuxuuna yiri:

“Kooxda waxay ku jirtaa qaab wanaagsan waxayna ku kalsoon tahay nafsadeeda, ciyaarta Paris waxay ku soo aaday waqti fiican.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close