Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha kooxdiisa Barcelona uga qeyb galaya kulanka Deportivo Alaves

(Barcelona) 13 Feb 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qeyb galaya kulanka Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynaysa kooxda kubadda cagta ee Deportivo Alaves, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Ronald Koeman hoggaanka u haya kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Gerard Piqué, Ansu Fati, iyo Sergi Roberto ayaa wali sii maqnaanaya sababo la xiriira dhaawacyo kala duwan ay qabaan. laakiin tababare Ronald Koeman ayaa heli kara dhamaan adeegyada ciyaartoydiisa kale.

Haddba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona ee uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag Deportivo Alavesee horyaalka La Liga:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close