Manchester City oo garoonkeeda Etihad guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Tottenham Hotspur… SAWIRRO

(Manchester) 13 Feb 2021. Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Tottenham Hotspur, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 23-aad kooxda Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Rodri, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

50 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Ilkay Gundogan oo caawin ka helay saaxiibkiis saaxiibkiis Raheem Sterling ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 66-aad Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu Ilkay Gundogan ka dhigay 3-0, waxaana goolkan ka caawiyay Ederson Moraes.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 3-0 ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Tottenham Hotspur oo ku soo booqatay Etihad, sky blue ayaa haatan kaga hoggaamineysa kooxda kaalinta labaad fadhisa ee Leicester City 7 dhibcood nadiif ah.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close