Man City oo xaqiijisay in saddex ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah ay seegi doonaan kulanka caawa ee Tottenham

(Manchester) 13 Feb 2021. Kooxda Manchester City ayaa bayaan rasmi ah ku xaqiijisay saakay oo sabti ah, maqnaanshaha seddex ciyaaryahan oo muhiim ah kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan Tottenham Hotspur horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa daabacday bayaan rasmi ah oo ay ku xaqiijineyso maqnaanshaha Sergio Agüero, Kevin De Bruyne iyo Fernandinho kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Tottenham sababo la xiriira diyaar garow la’aanta kaddib dhaawacyadii soo gaaray.

Image result for Sergio Agüero, Kevin De Bruyne Fernandinho

Manchester City uu hoggaamineyao Pep Guardiola, ayaa waxay kulankan ku soo gali doontaa, inay halkooda ka sii wadaan, natiijooyinkii wanaagsanaa ee horyaalka Premier League ee u soo bilaabmay bishii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa 50 dhibcood ku hogaaminaysa kooxda Manchester City, waxaana ka horeeya kooxaha Manchester United, Leicester City iyo Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close