Leicester City oo garoonkeeda King Power guul weyn kaga gaartay kooxda Liverpool… +SAWIRRO

(England) 13 Feb 2021.  Leicester City ayaa garoonkeeda King Power guul weyn kaga gaartay kooxda Liverpool, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Mohamed Salah, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Roberto Firmino.

80 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Leicester City ayaa heshay goolka barbardhac ah waxaana 1-1 xiddgooda khadka dhexe ee James Maddison.

Daqiiqadii 82-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay Jamie Vardy.

Laakiin sheeko waxay is badeshay daqiiqadii 85-aad Harvey Barnes oo caawin ka helay saaxiibkiis Wilfred Ndidi ayaa si toos u niyadjabiyay kooxda Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Leicester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Leicester City kaga adkaatay kooxda Liverpool oo marti ugu aheyd garoonka King Power, kaddib kulan aad u xiiso badan ay wada ciyaareen.

SAWIRRO:

Image

Image

Liverpool boss Jurgen Klopp's selection headache got even worse with Milner's replacement

James Milner added to Liverpool's endless list of injuries after just 15 minutes on Saturday

Milner barely had time to make an impact before joining the rest of the Reds' walking wounded

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close