Kahor kulanka Man City iyo Tottenham… Mourinho oo si qoto dheer kaga hadlay xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Guardiola

(London) 13 Feb 2021. Jose Mourinho ayaa sheegay in xusuus weyn uu ku leeyahay Pep Guardiola, saacado uun kahor kulanka soo socda ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Manchester City iyo Tottenham Hotspur horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa gaartay guusheedii 15-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan, kaddib Arbacadii ka reebeen tartanka FA Cup-ka kooxda Swansea City, waxayna haatan isha ku haysaa inay sii wadato guulaheeda xiriirka ah kulanka ay la ciyaarayaan Tottenham.

Haddaba Mourinho ayaa shirka jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka ay la ciyaarayaan caawa kooxda Manchester City, wuxuu kaga hadlay dhowr arimood, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Manchester City waa koox aad u fiican waxayna soo hooyeen natiijooyin waa weyn, shaki kuma jiro taas, marwalba way adagtahay in lala ciyaaro Manchester City, waxaana laga yaabaa inay haatan noqdaan kooxda ugu cad cad ee ku guuleysan karta horyaalka, taasoo aan layaab weyn ahayn.”

Intaas kaddib Jose Mourinho ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeyo Pep Guardiola, wuxuuna yiri:

“Xiriirka aan la leeyahay Pep waa mid wanaagsan, mana u haayo waxaan ka ahayn dareen ku saleysan ixtiraam, waxaa jira daqiiqado nolosha ah oo aan la iloobi karin, markii uu geeriyooday aabaheey Pep wuu ila soo xiriiray, marka ay geeriyootay hooyadiis ana sidaas oo kale ayaan sameeyay.”

“Waxaa laga yaabaa in waxyaabaha qaar ay ka dhacaan kubadda cagta waxaadna ugu yeeri kartaa dhibaatooyinka kubadda cagta, laakiin waxa ka dhex dhaca kubada cagta ayaa waxay ku ekaanayaan kaliya kubada cagta dhexdeeda.”

“Waxaa jira waxyaabo daaha gadaashiisa ka dhaca oo ay tahay inaannaan wadaagin, laakiin hadda waan la wadaagay iyaga, sababtoo ah waxaan fursad u haystaa inaan sidaas sameeyo, Pep wax kasta oo inaga dhexeeyo waa xusuus wanaagsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close