Xiddig hore Barcelona ah oo shaaca ka qaaday badelka saxda ah ee Luis Suárez

(Liverpool) 12 Feb 2021. Xiddigii hore kooda Barcelona ee Luis García ayaa qaba in kooxdu ay baahi weyn u qabto in weeraryahan kale la keeno garoonka Camp Nou, kaddib markii uu Luis Suárez ka tagay xagaagii hore.

Ciyaaryahankii hore ee Liverpool ayaa xaqiijiyay in Barca ay u baahan tahay weeraryahan toos ah, kaddib markii ay waayeen adeega Luis Suarez, wuxuuna magacaabay labada ciyaaryahan ee Erling Haaland iyo Alexander Isak, si ay badel ugu noqdaan xiddiga reer Uruguay.

Barcelona ayaa dooratay inay fasaxdo Luis Suarez kaddib markii uu tababare Ronald Koeman la wareegay shaqada tababarka kooxda, isagoo 298 gool ku dhaliyay waayihiisii ​​Blaugrana.

Luis García ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for Erling Haaland Alexander Isak

“Bixitaankii Suarez wuxuu ahaa khasaaro weyn, waxaana u maleynayaa in Barcelona ay ku jirto xaalad fowdo ah, madaxweynaha kooxda oo is casilay, tababare cusub, iyo xaalada Lionel Messi.”

“Suarez wuxuu cadeeyay inuu yahay go’aamiyaha xerada ganaaxa gudaheeda, wuxuuna hoggaaminayaa gooldhalinta horyaalka Spain.”

Luis García oo ka hadlayay weeraryahanada badelka u noqon kara Luis Suarez, ayaa wuxuu magacaabay:

“Waxa jira Erling Haaland, oo lagu tiriyo inuu yahay weeraryahan No. 9-aad, marka lagu daro xiddiga kooxda Real Sociedad ee Alexander Isak, oo ah weeraryahan kale oo aan runtii jeclahay inaan daawado.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close