Koeman oo cadeeyay sababta guuldarradii niyadjabka laheyd Barcelona ay kala kulantay Sevilla

(Barcelona) 11 Feb 2021Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay ciyaar wanaagsan la ciyaartay naadiga Seville kulankii lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey.

Sevilla ayaa garoonkeeda Ramon Sanchez guul kaga gaartay kooxda Barcelona kulanka lugta hore wareega AFARTA ee Copa del Rey, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0.

Haddaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay tababare Ronald Koeman kaddib ciyaarta. Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u maleynayaa inaan u qalanay wax intaa ka badan, si fiican ayaan u ciyaarnay, waxaana abuurnay fursado aan goolal ku dhalin karnay.”

“Waxaan ku noolnahay waqti wanaagsan, sifiican ayaan u ciyaarnay, laakiin waxaan la ciyaarnay koox weyn, taasoo leh awood jireed.”

Waxaan helnay fursad, balse waxaa jira “VAR” laakiin waxaan inaan u qalanay in naloo dhigo rigoore”

Intaas kaddib Ronald Koeman ayaa wax laga weydiiyay kulanka lugta labaad ee ka dhici doono garoonka Camp Nou 3-da bisha March ee soo aadan, wuxuuna yiri:

“Waa inaan falanqeyno ciyaarta, waxaana jira kulamo badan oo kahoreyn doona ciyaartaas.”

Si kastaba ha noqotee, kooxdii ku guuleysata inay soo baxdo Seville iyo Barcelona kulanka lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey, ayaa waxay finalka ku wajihi doonaan midkood Levante iyo Athletic Bilbao.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close