Chelsea oo u gudubtay wareega Siddeeda tartanka FA Cup kaddib markii ay ka soo adkaatay kooxda Barnsley… +SAWIRRO

(England) 12 Feb 2021. Chelsea ayaa u gudubtay wareega Siddeed dhamaadka ee tartanka FA Cup kaddib markii ay ka soo adkaatay kooxda Barnsley oo ay ku booqatay Oakwell Stadium, kulankii wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barnsley iyo Chelsea ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 64-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Tammy Abraham, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Reece James.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay kaga adkaatay Chelsea kooxda Barnsley oo ay ku booqatay garoonka Oakwell Stadium, kulankii wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka, Blues ayaana u gudubtay wareega xiga tartankan ee siddeed dhamaadka.
SAWIRRO:
Gool FM.