Sevilla oo garoonkeeda Ramon Sanchez guul kaga gaartay Barcelona kulanka lugta hore wareega Afarta ee Copa del Rey… +SAWIRRO

(Sevilla) 11 Feb 2021. Sevilla ayaa garoonkeeda Ramon Sanchez guul kaga gaartay kooxda Barcelona kulanka lugta hore wareega AFARTA ee Copa del Rey, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Sevilla.

Daqiiqadii 25-aad kooxda Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Jules Kounde.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

85 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Ivan Rakitic oo caawin ka helay saaxibkiis Oliver Torres ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Sevilla.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 oo ay Sevilla kaga adkaatay kooxda Barcelona oo ku booqatay garoonka Ramon Sanchez, kulankii lugta hore wareega AFARTA ee Copa del Rey, iyadoo lugta labaad ay labada kooxood ku wada ciyaari doonaan Camp Nou.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close