Mourinho oo ka falceliyay wararka xanta ah ee la xiriira in Harry Kane uu ka tagayo Tottenham

(London) 10 Feb 2021. Tababaraha Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee sheegaya in xiddiga koowaad kooxdiisa ee Harry Kane uu ka tagi doono naadiga Spurs-ka inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda, haddii ay ku guuldarreystaan inay ku guulaysataan wax koob ah xilli ciyaareedkan.

Harry Kane ayaa ku bixiyaa qaab ciyaareed qaas ah xilli ciyaareedkaan kooxda Tottenham Hotspur, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana caawiyay 14 gool kale, 30 kulan uu ciyaaray.

Wargeysyada ayaa muujiyay in Harry Kane laga yaabo inuu ka fiirsanayo ka tagista kooxda Tottenham Hotspur, haddii ay ku guuldarreystaan inay ku guulaysataan wax koob ah xilli ciyaareedkan.

Tottenham Hotspur ayaa u soo baxday finalka Carabao Cup, iyagoo la ciyaari doono kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City, Jose Mourinho ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto tartankaas si ciyaaryahanka reer England uu u sii haysto muddo dheer.

Haddaba Mourinho ayaa u sheegay “Sky Sports” ee dalka England ayaa ka falceliyay wararka xanta ah ee la xiriira bixitaanka Harry Kane:

“Si aad ugu guuleysato koob, waxaad u baahan tahay kaliya inaad badiso hal kulan, waan ogahay inay tahay ciyaar weyn oo adag.”

“Waan ogahay inaan wajihi doono kooxda ku guuleysan doonta Premier League xilli ciyaareedkan, marka waxaan u maleynayaa inuu noqon doono final aad u adag.”

“Laakiin si aad ugu guuleysato koobka, waxaad u baahan tahay inaad guuleysato kulankaas, marka waa inaad weydiisaa Harry Kane, laakiin waxaan u maleynayaa in sugitaanku uusan ahayn sida saxda ah ee lagu tilmaami karo, balse u dagaalamida ayaa ah waxa lagu gaari karo ujeedkaas, waxaana u maleynayaa in Kane uu noqon lahaa qofka saxda ah ee wadahadalkaas lala yeesho.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close