Man City oo iska xaadirisay wareega Siddeeda ee tartanka FA Cup kaddib markii ay guul ka gaartay kooxda Swansea City… +SAWIRRO

(England) 10 Feb 2021. Manchester City ayaa u gudubtay wareega Siddeed dhamaadka ee tartanka FA Cup kaddib markii ay 1-3 kaga adkaatay kooxda Swansea City oo ay ku booqatay garoonka Liberty Stadium, kulankii wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Kyle Walker, kaddib markii uu caawinta goolkan uu ka helay Rodri.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

47 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Raheem Sterling oo caawin ka helay saaxibkiis Rodri ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineyay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 50-aad Gabriel Jesus ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxda Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 0-3, kaddib markii ay caawinta goolan ay kaga timid Bernardo Silva.

77 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd kooxda Swansea City ayaa la timid gool, waxaana 1-3 ka dhigay xiddigooda Morgan Whittaker, kaddib markii uu caawin ka helay Ryan Manning.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Swansea City oo ay ku booqatay garoonka Liberty Stadium, kulankii wareega shanaad ee tartanka FA Cup-ka, Sky Blue ayaana u gudubtay wareega xiga tartankan ee siddeed dhamaadka.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close