Kooxaha Manchester City, Tottenham, Barcelona, Napoli, & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono qaarada Yurub

(Yurub) 10 Feb 2021. Kulamo ka tirsan tartamo waa weyn ee qaaradda Yurub ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana ay kala yihiin, Copa del Rey, FA Cup, iyo Coppa Italia.

Kooxaha Manchester City, Barcelona, Napoli, Tottenham Hotspur., ayaa ka mid ah kooxaha caawa ciyaari doona tartamada kala ah Copa del Rey, FA Cup, iyo Coppa Italia.

Tartanka FA Cup-ka  waxaa caawa laga ciyaari doonaa kulanka ay Manchester City la dheeli doonto kooxda Swansea City iyo midka ay Everton garoonkeeda Goodison Park ku soo dhoweyn doonto naadiga Tottenham Hotspur.

Tartanka Copa del Rey ee dalka Spain kulanka caawa laga ciyaari doono waa midka afar dhamaadka ah ay Sevilla ku soo dhaweyn doonto kooxda Barcelona garoonka Estadio R. Sanchez Pizjuan.

Dhinaca kale Talyaaniga waxaa laga ciyaari doonaa caawa kulanka lugta labaad ee Coppa Italia, kaasoo ay kooxaha Atalanta iyo Napoli ku wada dheeli doonaan Gewiss Stadium.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono qaarada Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – FA CUP

08:30 Habeenimo: Swansea City vs Manchester City

10:30 Habeenimo: Leicester City vs Brighton & Hove Albion

10:30 Habeenimo: Sheffield United vs Bristol City

11:15 Habeenimo: Everton vs Tottenham Hotspur.

SPAIN – Copa del Rey

11:00 Habeenimo: Sevilla vs Barcelona.

ITALY – COPPA ITALIA

10:45 Habeenimo: Atalanta vs Napoli

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close