Halyeey kooxda Barcelona ah oo si xiiso leh kaga hadlay mustaqbalka Zinedine Zidane

(Madrid) 10 Feb 2021. Halyeey kooxda Barcelona ah ayaa ka hadlay mustaqbalka tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane, kaddib natiijooyinka is bedbedalaya oo shaki gelinaya tababaraha reer France inuu sii wadi karo shaqadiisa.

Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Saxaafada ayaa cadaalad daro ku ah Zidane, taasoo laga yaabo inay cawaaqib ku yeelato dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Image result for rivaldo

“Shirkii jaraa’id ugu dambeeyay, Zidane wuu xanaaqay, sababtoo ah weriyayaashu xaqdarro ayey ku ahaayeen isaga, mana ixtiraamaan taariikh nololeedkiisa iyo guulihii ugu dambeeyay.”

“Zidane wuxuu ku guuleystay Horyaalka Spain sanadkii la soo dhaafay.”

“Layaabi maayo haddii uu xilli ciyaareedka ku soo gabagabeeyo horyaal ka dibna uu go’aansado inuu baxo, laakiin wuxuu doonayaa inuu baxo wuxuuna kaga tagayaa kooxda meesha ugu sareysa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close