RASMI: Macalin Pochettino oo xaqiijiyay in mid ka mid ah xiddigihiisa ugu muhiimsan uu seegayo kulanka Barcelona

(Paris) 09 Feb 2021. Waxaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Paris Saint-Germain uu ka maqnaan doono kulanka Champions League la wada sugayo ee Barcelona, kaasoo Talaado 16-ka February  uu marti galin doono garoonka Camp Nou.

Ángel Di María ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray 10 daqiiqo kaddib bilowga kulankii kooxaha Paris Saint-Germain iyo Marseille ee horyaalka Faransiiska, Mauricio Pochettino ayaa go’aansaday inuu ka saaro garoonka, taasoo muujineysay halista dhaawiciisa.

Haddaba xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Ángel Di María, ayaa ka maqnaan doona kulanka Champions League la wada sugayo ee Barcelona, kaasoo Talaado 16-ka February  uu marti galin doono garoonka Camp Nou.

Mauricio Pochettin ayaa maanta u sheegay warbaahinta:

“Way dhamaatay arinta Ángel Di María, waxaan arki doonaa xaaladiisa kaddib toddobaad, si aan u aragno halka ay xaaladdiisu gaartay.”

“Laakiin waxaan dooneynaa inaan wax qabad fiican soo bandhigno isaga la’aantiis, waxaana rabnaa inaan sii wadno isla fikradahaas.”

Sidoo kale Paris Saint-Germain ayaa soo saartay bayaan caafimaad, oo ay ku xaqiijineyso maqnaanshaha Marco Verratti ee kulanka habeen dambe ee kooxda Caen ay kula ciyaari doonaan Coupe de France, sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray bowdada muruqa lugta midig.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Keylor Navas uu ku soo laaban doono tababarka kooxda Paris Saint-Germain maalinta Khamiista ah, sidaasna uu diyaar ugu noqon doono inuu wajaho naadiga Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close