Ramos oo si cad ugu sheegay Real Madrid go’aankiisa kama dambeysta ah ee ku aadan mustaqbalkiisa kooxda

(Madrid) 09 Feb 2021. Waxay u muuqataa in Sergio Ramos uu qarka u saaranyahay inuu ka tago Real Madrid, kadib markii kooxda ay diiday inay fuliso codsiyadiisa iyo shuruudihiisa.

Real Madrid ayaa rumeysan inay horay u lumiyeen Sergio Ramos isla markaana aysan sameyn doonin dalab cusub oo lagu kodhinayo qandaraaskiisa, kaddib markii daafaca reer Spain, kaasoo ku sugnaa Santiago Bernabeu tan iyo 2005, uu diiday dalabkii ugu horreeyay.

Sida laga soo xigtay shabakadda Isboortiga ee “Goal” Sergio Ramos ayaa u sheegay maamulka Real Madrid diidmadiisa ku aadan inuu qandaraaska cusbooneysiiyo, isla markaana uu ku biiri doono koox cusub xilli ciyaareedka soo socda.

Mustaqbalka Sergio Ramos ee kooxda Real Madrid waxaa u furnaa wax walba ee suurtogal ah, laakiin waxay u muuqataa inay hada wax waliba cadyihiin, maadaama daafaca reer Spain uusan dooneynin inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda.

Real Madrid ayaa u soo bandhigtay Ramos inuu u kordhiyo qandaraas sanad kale, isla markaana uu ku qaato mushahar ka hooseeya kan uu haatan qaato, laakiin kabtanka Los Blancos ayaan ogolaanin arintaas, wuxuuna dalbaday in qandaraaska cusub laga dhigo ugu yaraan mudo labo xilli ciyaareed ah, isla markaana la wanaajiyo mushaarkiisa, ama inuu kooxda ka tago.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasada kooxda Real Madrid ayaa ah in ciyaartoyda da’adooda ka weyn tahay 30 sano ay helayaan kaliya dalabyo lagu kordhinayo qandaraaskooda mudo hal xilli ciyaareed ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close