ESPN: Manchester City markale ayay la xiriiri doontaa Lionel Messi bisha April

(Manchester) 09 Feb 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa markale la xiriiri doonta Lionel Messi bisha April sida ay warinayso Shabakadda ciyaaraha ee ESPN.

Kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ayaa rajaynaysa inay PSG ku garaacdo saxiixa xiddiga reer Argentine.

ESPN ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Manchester City ay sameyn doonto isku day cusub oo ay ku qancineyso Lionel Messi inuu ku soo biiro labada bilood ee soo socota.

Kooxda ka dheesha Premier League ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu sarreeya ee doonaya inay soo xerogeliyaan xiddiga Barcelona markii qandaraaskiisa uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Paris Saint-Germain waxaa ka go’an inay soo jiito Kabtan Lionel Messi, laakiin istiraatiijiyadooda waxay ka careysiisay Barcelona, halka Man City ay dulqaad muujineyso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close