“U jeedkeena waa inaan ka mid noqono afarta ugu ugu sarreysa.” – Jurgen Klopp

(Liverpool) 08 Feb 2021. Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay xooga saareyso xilli ciyaareedkan sidii ay ku heli laheyd booska loogu soo baxo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka xiga, kaddib guuldarradii ay kala kulmeen Man City.

Manchester City ayaa guul weyn ka soo gaartay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta in kooxdiisu ay xooga saareyso xilli ciyaareedkan sidii ay ku heli laheyd afarta sare ee horyaalka wuxuuna yiri:

“Waxaan kuu xaqiijinayaa, in hadda ujeedkeena uu yahay inaan qabsano mid ka mid ah afarta boos ee ugu horeysa, haa ma aheyn maalinteenii, laakiin waxaan la dhacay waxqabadka inta ugu badan, runtii waan ka helay, si fiican ayaan u ciyaarnay qeybtii hore, waxaana aheyn kuwa dagaalamaya.”

“Qeybtii labaad, Manchester City waxay badashay qaab ciyaareedkeeda anagana ma sameynin isbadel nagu filan, waxaan sameynay labo qalad oo aad u culus, tani way cadahay, waana helnay aragtida qof walba, waxayna na siisay kooxda naga soo horjeedaan fursado badan.”

“Waxaan isku daynay inaan helno meelaha banaan waxaana badalnay habka cadaadiska waxaana sameynay laba qalad oo dhimasho ah. Inta badan kulamadu way fiicnaayeen. Wuxuu ahaa kulan udhaxeeyay koox gaartay 13 guul oo xiriir ah, iyo koox gabi ahaanba la dagaalameysay natiijooyin kala duwan.”

“Haddii aan u ciyaari laheyn kulamadeennii hore sidii aan maanta u ciyaarnay, uma maleynayo inaan kaga fogaan laheyn Manchester City miiska kala sareynta, waan la dhacday wax qabadka qeybaha qaarkood, waxaana u maleynayaa haddii aan u ciyaarno kulamada noo hara, sida aan maanta u ciyaarnay waxaan guuleysan doonnaa kulamo badan.”

Intaas kaddib Jurgen Klopp ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ka hadlida qaladaadkii uu sameeyay goolhaayaha reer Brazil ee Alisson Becker, wuxuuna yiri:

“Xaqiiqdii, ma jirin ciyaartoy badan oo ku hareeraysan isaga, gaar ahaan qaladkii ugu horeeyay, qaladkiisii ​​labaad, anigu ma sharixi karo, waxaa laga yaabaa in lugihiisa ay qabow ahaayeen.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close