Muxuu Pep Guardiola ka yiri kaddib guushii taariikhiga ahayd oo ay Manchester City ka gaartay Liverpool?

(Liverpool) 08 Feb 2021. Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ammaanay qaab ciyaareedka kooxdiisa intii lagu jiray kulankii taariikhiga ahaa ay wada ciyaareen Liverpool.

Manchester City ayaa guul weyn ka soo gaartay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Pep Guardiola ayaa ciyaarta kaddib la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waxa aan la dhacay falcelinta ciyaarta, kaddib markii İlkay Gündoğan uu khasaariyay rigoore.”

“Guusha waxay timid sanado badan kaddib taas oo aanan awoodin inaan guul ku gaarno garoonka Anfield, Anfield waa mid aad u adag, sidoo kale garoonkeena Etihad, way adag tahay marka Liverpool ay u timaado inay ka ciyaarto.”

“Waxaan ka faa’iideysanay fursadaha, falcelinta waxay aheyd mid cajiib ah, guulaha ayaa sare u qaaday kalsoonida ciyaartoyda, Qof walba wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto horyaalka.”

“Waxaan ku jirnaa boos fiican inkasta oo kulamadii adkaa aan ciyaarnay, maanta waxaan helnay kaliya saddex dhibcood, ee ma aanan helin horyaalka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close