Muddada uu garoommada ka maqnaan doono Paul Pogba & Kulammada uu seegi doono oo la shaaciyey

(Manchester) 08 Feb 2021. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in Paul Pogba uu maqnaan doono dhowr toddobaad sababo la xiriira dhaawacii bowdada ka soo gaaray kulankii sabtidii ay barbaraha 3-3 la galeen Everton.

27 jirkan reer France ayaa ku dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii kooxaha Manchester United iyo Everton ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford, waxaana lagu badelay Fred.

Pogba wuxuu seegi doonaa kulanka wareega shanaad ee FA Cup-ka ay Talaadada ku wajahayaan West Ham United, iyo sidoo kale kulammada Bromwich Albion iyo Newcastle United ee horyaalka Premier League, sidoo kale kulanka Real Sociedad ee tartanka UEFA Europa League.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa u sheegay Manchester United TV:

“Waa dhaawac u baahan dhowr toddobaad, si uu uga soo kabsado.”

“Paul waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah kooxda, caafimaadkiisana khatar ma galin doono, hubaal wuu maqnaan doonaa dhowr todobaad.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close