Goormee ayay Manchester City u dhaqaaqeysaa saxiixa Romelu Lukaku?

(Manchester) 08 Feb 2021. Weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa bartilmaameed ah kooxda Manchester City oo aad u xiiseyneysa saxiixiisa, xilli uu shaki badan dul meereysanayo mustaqbalka Sergio Aguero iyo Gabriel Jesusu

Jariiradda The Athletic ayaa warineysa in Lukaku uu yahay bartilmaameedka Man City, sidoo kalena ay saxiixiisa u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga ee nagu soo fool leh.

Xiddiga reer Belgium kaasoo xilli ciyaareedkan 20 gool u dhaliyey Nerazzuri dhammaan tartammada ayaa hore ugu soo ciyaaray Manchester United oo ay hal magaalo ku xafiiltamaan Manchester City, waxaana uu noqon doonaa laacibkii ugu horreeyay ee labada Manchester u ciyaara tan iyo Carlos Tevez kaasoo si toos ah uga hayaamay Old Trafford kuna biiray Man City sanadkii 2009.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close