Bruno Fernandes oo fariin qiiro leh u diray taageerayaasha kooxda Manchester United

(Manchester) 08 Feb 2021. Xiddigga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa fariin qiiro leh u diray jamaahiirta kooxdiisa, kuwaasoo rajo ka qaba in Red Devils ay dib ugu soo laabato masraxyada caleemo saarka horyaalka.

Fariinta Bruno Fernandes, oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa waxay imaaneysaa kaddib barbardhicii ay kula galeen Everton garoonkooda Old Trafford, kulankii ku dhamaaday 3-3.

Fariinta uu soo dhigay Bruno Fernandes bartiisa Twitter-ka ee ku socotay taageerayaasha Manchester United ayaa u dhigneyd sida tan:

“Aad ayaan uga niyad jabnay natiijada, laakiin marnaba ma quusan doono, wax ayaa ka baran doonaa, si adag ayaan u shaqeyn doonaa, waxaana sameyn doonaa hormar.”

Si kastaba ha noqotee, Man United ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo leh 45 dhibcood, waxay 5 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka haysa ee Man City kuwaas oo kaalinta 1-aad ugu jira 50 dhibcood laakiin waxaa sidoo kale u harsan kulan dheeri ah.

Taageerayaasha Man United ayaa rajeynaya in kooxdooda ay awood u yeelan karto inay soo afjarto farqiga u dhexeeya iyaga iyo Man City, si ay kooxda markale ugu guuleysato tartanka ay ugu jecel yihiin, kaasoo kooxdooda ay ka heysato rikoorka ah kooxda inta ugu badan ku guuleysatay horyaalka waana 20 koob oo Premier League ah oo kii ugu dambeeyay ay ku guuleysteen xilli ciyaareedkii 2012/2013, xilligaas oo uu Red Devils hoggaaminayay tababarahooda halyeeyga ah ee Sir Alex Ferguson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close