“Ronaldo ayaa sabab u ahaa guuldarradii Juventus.” – Macalinka kooxda Roma

(Turin) 07 Feb 2021. Tababaraha reer Portugal iyo kooxda Roma ee Paulo Fonseca ayaa ka hadlay guuldarradii ka soo gaartay xalay naadiga Juventus, isaga oo sababta ka dambeysana ku sheegay inuu yahay Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa goolka daahfurka u dhaliyay kooxdiisa Juventus qeybtii hore ee ciyaartii ka dhacay garoonka Allianz Stadium, xilli kulankan oo qeyb ka ahaa horyaalka Talyaaniga uu ku dhamaaday 2-0 ay ku adkaatay Bianconeri.

Paulo Fonseca ayaa ammaanay qaabkii ay u ciyaartay kooxdiisa Roma, inkasta oo ay ka soo laabteen magaalada Turin iyaga oo aan wax guul ah gaarin, wuxuuna sheegay in kooxdiisa aysan sameynin khaladaad, laakiin joogitaanka Ronaldo ee kooxda ka soo horjeedda ay ka dhigtay shaqadiisa mid adag oo si cad u saamaysay natiijada.

Tababaraha Giallorossi ayaa u sheegay warbaahinta:

“Waxaan si fiican u ciyaarnay ciyaarta inteeda badan, laakiin waa inaanan ilaabin inaan wajahnay koox adag waana Juventus, iyadoo taasi ay jirto, waxaan ku qasabnay inay ku difaactamaan dhowr ciyaartooy xerada ganaaxa dhexdeeda.”

“Haddii aad eegto tirakoobka, waxaad ogaan doontaa inaan ahayn kooxda inta ugu badan ku shuuday kubaddaha dhanka goolka, inta badana kubadda ciyaartay, waxaan sameynay sidoo kale kubad heysashada iyo kubad dhiibista ugu badan.”

“Laakiin Juventus ayaa aheyd mida goolasha dhalisay, waana sababtaas sababta Cristiano Ronaldo loo tixgeliyey kan ugu fiican adduunka.”

“Ronaldo wuu awoodaa inuu goolal ku dhaliyo wax aan waxba aheyn, ma aanan sameynin wax qalad ah, laakiin waxaas oo dhan waxay ku dhaceen Ronaldo dartiis, Ronaldo si fudud waa Ronaldo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close