Rivaldo oo soo jeediyay in heshiiska Messi lagu daro qodob si loogu qanciyo inuu sii joogo Barcelona

(Barcelona) 07 Feb 2021. Xiddigii hore Barcelona ee Rivaldo ayaa ka hadlay mustaqbalka kabtanka kooxda Lionel Messi iyo suurtogalnimada uu kusii joogi doono garoonka Camp Nou, halka sidoo kale uu soo jeediyay in lagu daro qandaraaskiisa qodob lagu qancinayo inuu sii joogo.

Mustaqbalka Lionel Messi ayaa ah arinta ugu muhiimsan ee dhanka warbaahinta waqtiyadan dambe, sababa la xiriira in heshiiskiisa kooxda Barcelona uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax wada hadalo ah ee u socda labada dhinac si loo cusbooneysiiyo qandaraaska.

Rivaldo ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay mustaqbalka kabtanka kooxda Lionel Messi iyo suurtogalnimada uu kusii joogi doono garoonka Camp Nou, wuxuuna yiri:

“Messi wuxuu isku dayay inuu ka tago kooxda xagaagii lasoo dhaafay, waxaana macquul ah inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedka, tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaki ka qabaa inuu ciyaaryahanka ku sii noolaanayo kooxda.”

“Xitaa Joan Laporta, oo ugu cad -cad inuu ku guuleysto doorashada madaxweynaha, kaliya wuxuu rajo ka qabaa badbaadintiisa mana ahan balan qaad ka yimaada Messi.”

“Kooxda waa inay sameysaa dadaal kasta ay ku joojineyso haddii ay jiraan ilo dhaqaale ay ku siin karaan qandaraas waqti dheer ah.”

Rivaldo ayaa soo jeediyay in lagu daro qodob ka mid ah qandaraaska cusub ee Messi shaqo ka siin doona kooxda dhamaadka xirfadiisa kubada cagta, isagoo tilmaamay:

“Tani waxay ka dhigi kartaa inuu ka fekero inuu qandaraas cusub u saxiixo Barcelona.”

“Tani waa talo soo jeedin, mana garanayo, mana garanayo sida saxda ah hamiga Messi kaddib marka uu ka fariisto ciyaarista kubadda cagta.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close