Ole Gunnar Solskjær oo ka warbixiyay nooca dhaawaca soo gaaray Paul Pogba

(Manchester) 07 Feb 2021. Tababaraha reer Norway iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær, ayaa ka warbixiyay dhaawicii soo gaaray Paul Pogba intii lagu guda jiray kulankii ay Red Devils barbaraha la gashay naadiga Everton.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa barbardhac 3-3 ah  la dhaafi weysay naadiga Everton oo ay ku soo dhowaysay garoonkeeda Old Trafford, kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Xiddiga reer France ee Pogba ayaa dhaawacmay intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana lagu badalay Fred daqiiqadii 39-aad.

Ole Gunnar Solskjær oo ka hadlayay dhaawaca Paul Pogba ayaa yiri:

“Dhaawaca Pogba ee bowdada, wuxuu umuuqdaa inuu yahay dhaawac muruqa ah, sidaas darteed waxaa lagu sameyn doonaa baaritaannada lagama maarmaanka ah, waxaana rajeyneynaa inuu dhakhso usoo kabsan doono.”

Dhaawaca Pogba ayaa yimid kaddib wacdarihiisii bishii hore, maadaama loo magacaabay ciyaaryahanka bisha ee kooxda Man United, taageerayaasha kooxduna waxay u doorteen goolkiisii Fulham inuu noqdo kan ugu fiican bishii January.

Si kastaba ha noqotee, xiddiga lambarka 6-aad ayaa ka qayb qaatay 28 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, taas oo uu ku dhaliyay 4 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 3 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close