Michael Ballack oo sharaxaad ka bixiyay qaabka uu Kai Havertz ugu guuleysan karo kooxda Chelsea

(London) 07 Feb 2021. Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa helay war farxad leh ee ku saabsan in Kurt Zouma iyo Kai Havertz ay dib ugu soo laabteen tababarka buuxa ee Blues kahor kulanka ay caawa la ciyarayaan naadiga Sheffield United.

Kai Havertz ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa, laakiin weli ma uusan sameynin wacdaro aad u fiican oo ku saabsan awoodiisa ciyaareed tan iyo markii uu yimid kooxda reer London ee Chelsea.

Haddaba halyeeyga reer Germany iyo kooxda Chelsea ee Michael Ballack ayaa ka hadlay xaalada uu Kai Havertz kaga sugan yahay garoonka Stamford Bridge.

Michael Ballack ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay xaalada Kai Havertz, wuxuuna yiri:

“Waa muhiim in Chelsea ay fahanto haddii ay iibsado ciyaaryahan leh awoodaan oo kale, waa inuu dulqaad yeesho, waqti dheer.”

“Havertz waxaa laga yaabaa inuu u baahdo inuu dhiso kooxda ku hareeraysan, waqtigan la joogo waxaa jira tartan badan oo looga qeyb galayo shaxda koowaad.”

“Ma jiraan ciyaartoy booskooda aan la dhibaateyn karin, marka si la yiraahdo, sidaas darteed waa inuu la dagaallamo, isla markaana uu ilaashado booskiisa safka kooxda.”

“Haddii Kai Havertz uu awoodo inuu ku guuleysto booska koowaad, isla markaana uu u dagaalamo, markaa wuxuu awood u yeelan doonaa inuu muujiyo xirfadiisa gaarka ah ee ciyaaryahan ahaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close