Man City oo guul weyn ka soo gaartay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield… +SAWIRRO

(Liverpool) 07 Feb 2021. Manchester City ayaa guul weyn ka soo gaartay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-4, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Liverpool iyo Manchester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda qadka dhexe ee Ilkay Gundogan.

63 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay kooxda Liverpool ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badaley xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 73-aad Ilkay Gundogan oo caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden ayaa ciyaarta ka dhigay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

76-aad kooxda Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii 1-3 ka dhigay Raheem Sterling oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Bernardo Silva.

Phil Foden ayaa daqiiqadii 83-aad ayaa si toos ah u niyadjabiyay kooxda Liverpool, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-4 ay ku hoggaamineysay Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-4 ay Manchester City kaga soo adkaatay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garoonka Anfield, City ayaa haatan kaga hoggaamineysa kala sareynta horyaalka 5 dhibcood nadiif ah, kooxda ku soo xigta ee Man City, xili kulan uu u harsan yahay.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close