Xiddig hore kooxda Man United ah oo kula taliyay Solskjær inuu la soo saxiixdo laacibkan

(Manchester) 05 Feb 2021. Xiddigii hore kooxda Manchester United ee Fábio ayaa kula taliyay macalinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær inuu la soo saxiixdo xiddig muhiim u noqon kara safka Red Devils.

Xiddiga reer England Kieran Trippier ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa Atletico Madrid, taasoo ka dhigtay xiddigii hore ee Manchester United Fábio inuu kula taliyo Red Devils inay lasoo saxiixdaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Kieran Trippier, ayaa wuxuu bar-tilmaameed u noqday kooxo badan oo Premier League ah, oo ay ku jirto Manchester United.

Fábio oo mudo shan xilli ciyaareed u ciyaaray Red Devils, wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisii ​​hore ay la saxiixato Kieran Trippier, si uu u tartamaan isaga iyo Aaron Wan-Bissaka.

Dhinaca kale Fábio ayaa aaminsan in ku biirista Kieran Trippier ee kooxda Manchester United ay gacan weyn ka geysan doonto horumarka Aaron Wan-Bissaka, wuxuuna yiri:

Image result for Fábio and Kieran Trippier

“Waxaan kalsooni ku qabaa 100%, tani ayaa ah tan ciyaartoyda ka dhigeysa inay u tartamaan boosaskooda oo ay horumar sameeyaan.”

“Haddii aad ciyaartid kulamada oo dhan oo aadan lahayn qof kula tartanta, waxaad bilaabeysaa inaad dareento raaxo, tanna adiga kuuma wanaagsana.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close