Guardiola oo shaaca ka qaaday magacyada ciyaartoyda Man City ee ka maqnaan doona kulanka Liverpool

(Manchester) 05 Feb 2021. Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday magacyada ciyaartoyda Manchester City ee ka maqnaan doona kulanka Liverpool ee Premier League.

Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id  kahor kulanka horyaalka Premier League ay Axada Liverpool ku booqan doonaan garoonka Anfield.

Tababare Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in seddexda xiddig ee Kevin De Bruyne, Sergio Aguero iyo Nathan Aké ay seegi doonaan kulanka Axada ee Manchester City ay la ciyaari doonto kooxda Liverpool.

Guardiola ayaa shirka jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa wuxuuna yiri:

“Kevin De Bruyne, Sergio Aguero iyo Nathan Aké ayaa seegi doona kulanka Liverpool, iyo tababarada kale harsan ee xaaladda diyaar garowga ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close