“Waxaan ahaa doqon markii aan diiday dalabkii Arsenal.” – Giorgio Chiellini

(Turin) 04 Feb 2021Daafaca kooxda Juventus ee Giorgio Chiellini ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday goor hore inuu u dhaqaaqo kooxaha Arsenal iyo Inter Milan, markii uu ahaa ciyaaryahan ka tirsan naadiga Livorno.

Giorgio Chiellini ayaa loo arkaa mid ka mid ah daafacyada ugu muhiimsan talyaaniga iyo guud ahaan adduunka, madaama uu kula guuleystay kooxdiisa haatan ee Juventus dhamaan koobabka suurtagalka ah, marka laga reebo ku guuleysiga Champions League.

Chiellini wuxuu u dhaqaaqay inuu u ciyaaro Juventus xagaagii 2005, isagoo ka yimid Livorno, laakiin ka hor waxaa loo soo bandhigay inuu la ciyaaro Arsenal isagoo la jooga tababaraha reer France ee Arsene Wenger waqtigiisii ​​dahabiga ahaa ee Gunners, laakiin ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa diiday dalabkaas.

Haddaba Giorgio Chiellini ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay inuu iska diiday dalabyo uu ka helay kooxaha Arsenal iyo Inter Milan, wuxuuna yiri:

“Waxaan ahaa doqon markii aan diiday dalabkan, waxaan ahaa 16 jir waqtigaas, waxaan ka ciyaarayay heerka saddexaad ee talyaaniga waqtigaas, waxaana helay dalabkan aadka u weyn.”

“Maan dareemin inaan diyaar u ahay inaan qaado talaabadan, haddii aan aqbali lahaa, waxaan dareemi lahaa inaan khiyaanay Livorno.”

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close