“Tababarka Chelsea ma ahan wax adag.” – Mourinho oo fariin u diray Tuchel, kahor kulanka London Derby

(London) 04 Feb 2021. Tababaraha kooxda Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa sheegay in dhigiisa Chelsea maamula ee Thomas Tuchel, uu haysto shaqo fudud, ka hor kulankooda London Derby ee horyaalka Premier League.

Labada Tababare ee Jose Mourinho iyo Thomas Tuchel ayaa is wajahaya markoodii ugu horreysay abid, iyadoo Kooxda Tottenham Hotspur ay soo dhoweynayso Chelsea kulanka caasimadda ee loo yaqaan London Derby.

Labada Kooxood waxay ka hadlayeen sheekada ah ku guuleysiga horyaalka intii lagu jiray bilowgii xilli ciyaareedkan 2020-21, laakiin Spurs iyo Blues labaduba waxay haatan u muuqdaan inay diiradda saarayaan afartooda sare ee Premier League.

Macalinka reer Portugal iyo kooxda Tottenham Hotspur ee Jose Mourinho ayaa kahor kulankan u sheegay warbaahinta, wuxuuna yiri:

“Uma maleynayo in tababarka Chelsea ay tahay howl adag, sababtoo ah waxaan kula guuleystay seddex jeer horyaalka Premier League.”

Carlo Ancelotti ayaa kula guuleystay horyaalka Premier League kooxda Chelsea iyo sidoo kale Antonio Conte.”

“Ku guuleysiga koob ma ahan wax adag, Chelsea marwalba waxay heysataa ciyaartoy fiican, tababarayaashu waxay jecel yihiin inay tababaraan kooxaha noocaas ah, iyadoo ciyaartoydu ay diyaar u yihiin, waxaa jirta fursad wanaagsan oo guulo iyo ku guuleysiga koobab ah.”

“Nolosheyda waxaan halkaas joogay laba jeer oo kala duwan, waxaana ku ahaa geesi iyaga ka mid ah.”

Macalinka reer Germany ee Thomas Tuchel ayaa noqday tababaraha kooxda Chelsea, kaddib markii si lama filaan ah Lampard shaqada looga ceyriyay isbuucii hore.

Si kastaba ha noqotee, Thomas Tuchel ayaa 4 dhibcood ka helay labadii kulan ugu horreeyay uu maamulay kooxda reer London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Close