Peter Crouch oo ku dhaleeceeyay Liverpool ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee Mohamed Salah

(Liverpool) 04 Feb 2021. Weeraryahankii hore Liverpool ee Peter Crouch ayaa qiray in kooxda aysan haatan u fiicneyn sida xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna Reds kaga digay inay si aad ah ugu tiirsanaadaan Mohamed Salah, si ay u sameeyaan farqi iyo iyo dhiirigelin.

Xiddiga reer Masar ayaa ka qayb qaatay guushii ay Liverpool ka gaartay kooxaha Tottenham Hotspur iyo West Ham United dhawr maalmood gudahood, kaddib markii xoogaa ay jirtay kalsooni laga qabay ku soo laabashada Reds qaab ciyaareedkeedii hore, laakiin waxaa layaab noqotay kaddib markii ay xalay guuldarro kala kulantay kooxda Brighton.

Haddaba Weeraryahankii hore Liverpool ee Peter Crouch ayaa u sheegay ‘BT Sport” kaddib guuldarradii Brighton ayaa wuxuu yiri:

“Waxay ahaayeen geesiyaal sanadkii la soo dhaafay waxaan u maleynayaa inaan hadda dhanka bini’aadamnimada iyaga ka aragno, taasoo la fahmi karo.”

“Waxay tabayaan wada jirka Alisson Becker, Virgil van Dijk iyo Diogo Jota marka lagu daro Sadio Mane, koox walbana waxay waayi doontaa awooda ciyaartoydan, kaddib markii ay ku guuleysteen horyaalka iyo Champions League, waxay ahayd inay si qoto dheer uga dhex muuqdaan liiska kooxda.”

“Waxaa hadda si xad dhaaf ah loogu tiirsan yahay Mohamed Salah, Firmino ayaa goob joog ahaa waxaan dareemay inuu diyaar u ahaa inuu wax go’aamiyo, laakiin Salah waa ciyaaryahanka loo igmaday inuu dhaliyo goolasha, balse waxaan ka xumahay dhaawaca Diogo Jota.”

Peter Crouch ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray kulanka soo aadan ee Liverpool iyo Manchester City, wuxuuna yiri:

“Wixii dhacay waxay ka dhigeen kulankii Axada mid aad u xiiso badan, haddii Liverpool ay rajeyneeso ku guuleysiga horyaalka, waa inay ka badiyaan Man City.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close