Chelsea oo guul ka soo gaartay Tottenham oo ay booqatay kulankii adkaa ee London Derby… +SAWIRRO

(London) 05 Feb 2021. Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda Tottenham Hotspur oo ay booqatay kulankii London Derby, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1 kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 24-aad Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda qadka dhexe Jorginho, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Blues.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay ku adkaatay kooxda Chelsea oo marti u aheyd dhigeeda Tottenham Hotspur kulankii adkaa ee London Derby. Blues ayaa hadda ku jirta booska 6-aad iyadoo leh 36 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close