Berbatov oo Eden Hazard kaga yaabsaday talo lama filaan ah ee uu siiyay Real Madrid

(Madrid) 04 Feb 2021. Xiddigii hore kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov, ayaa ka yaabiyey xiddiga reer Belgium iyo naadiga Real Madrid ee Eden Hazard.

Dhinaca kale weeraryahanka reer Bulgaria ayaa la taliyay Los Blancos kaddib dhaawaca soo gaaray Eden Hazard, iyo inuu ka maqnaanayo garoonka muddo kaloo bil ah.

Dimitar Berbatov ayaa kula taliyay maamulka kooxda Real Madrid inay kansalaan heshiiska Eden Hazard xilliyada soo socda, sida uu qoray wargeyska “Marca” ee dalka Spain maanta oo khamiis ah.

Weeraryahankii hore kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa yiri:

“Hazard wali waa 30 jir, isla markaana wax badan ka qaban kara xirfadiisa kubadda cagta.”

Laakiin ilaa iyo haatan ma jiraan wax uu ku muujiyay Real Madrid, marka layaab ma noqon doon haddii aan aragno marka uu baxayo suuqa xagaaga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close