RASMI: Xiddiga Kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix oo laga helay Korona Fayras

(Madrid) 03 Feb 2021. Dhaliyaha Atletico Madrid ee Joao Felix ayaa laga helay caabuqa saf mareenka ah ee Korona Fayras, sida ay maanta xaqiijisay Kooxdiisa.

Xiddiga xulka qaranka qaranka Porugal oo 21-sano jir ah ayaa haatan karaantiil ku geli doona gurigiisa, warkan ayaana yimid kaliya afar maalmood kaddib markii xiddigaha ay isku kooxda yihiin Felix ee Yannick Carrasco iyo Mario Hermoso sidoo kale laga helay KOFID 19.

Carrasco iyo Hermoso ayaa seegay kulankii hoggaamiyeyaasha horyaalka La Liga ee Atltico Madrid ay 4-2 kaga adkaatay Cadiz Axaddii, laakiin saxiixa rikodhka kooxda ah ee Felix ayaa ku soo bilowday kulankaas, waxaana uu ciyaaray 60 daqiiqo, waxaana hadda uu ogyahay inuusan ciyaari doonin kulanka Isniinta kooxdiisu ay soo dhoweynayso Celta Vigo.

Bayaan kooban oo ka soo baxay kooxda Atletico Madrid ayaa u dhignaa: “Ciyaaryahankeenna Joao Felix waxaa laga helay KOFID 19, isagu waxa uu galay go’doomin waxaana uu karaantiil ku yahay gurigiisa.”

Felix, kaasoo Atletico Madrid kaga soo dhaqaaqay Benfica lacag dhikoorka kooxda ah oo dhan 113 milyan oo gini xagaagii 2019-kii,waxaana uu kooxda tababare Diego Simeone u saftay 25 kulan tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo u dhaliyey sagaal gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close