Marcus Rashford oo kaalinta Sagaalaad ka soo galay xiddigaha abid ugu goolasha badan Kooxda Manchester United

(Manchester) 03 Feb 2021. Weeraryahanka Kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa sare u qaaday goolashiisa markii uu hal gool ku tuuray kulankii xalay ay 9-0 ku xasuuqeen Southampton.

Xiddiga xulka England ee Rashford ayaa dhaliyey goolka labaad ee kulankan, kaddib markii uu si hagaagsan u dhammaystiran baas uu bannanka u soo dhigay da’yarka Greenwood.

Haddaba goolkaas ayaa ka dhigay in  Marcus Rashford uu kaalinta sagaalaad ka soo galo xiddigaha abid ugu goolasha badan kooxda Manchester United.

Marcus Rashford waxa uu sidaas ku dhaliyey goolkiisii 83-aad ee Manchester United, waxaana uu ka sare maray halyeygii Kooxda ee Eric Cantona.

Waxa uu Marcus Rashford haatan bartilmaameedsanayaa inuu soo barbareeyo goolashii uu kooxda Manchester United u dhaliyey David Beckham ee ahaa 85 gool.

Xiddiga ugu goolasha badan kooxda Manchester United waa Wayne Rooney oo u dhaliyey 253 gool.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda Koxoda Manchester United:-

(10) 82 gool – Eric Cantona

(9) 83 gool – Marcus Rashford

(8) 85 gool – David Beckham

(7) 118 gool – Cristiano Ronaldo

(6) 121 gool – Cole

(5) 126 gool – Ole Gunnar Solskjaer

(4) 150 gool – Van Nistelrooy

(3) 155 gool – Paul Scholes

(2) 160 gool – Ryan Giggs

(1) 253 gool – Wayne Rooney

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close