Man City oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Burnley oo ay booqatay… +SAWIRRO

(England) 03 Feb 2021. Manchester City ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonka Turf Moor, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 3-aad ee bilawoga ciyaarta kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda reer Brazil ee Gabriel Jesus.

38 daqiiqo Raheem Sterling oo caawin ka helay saaxiibkiis Ilkay Gundogan ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 oo ay Manchester City kaga soo adkaatay kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonka Turf Moor, Sky Blue ayaa haatan ka sareysa saddex dhibcood nadiif ah kooxda booska labaad kaga jirta kala sareynta horyaalka ee Man United.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close