Liverpool oo guuldarro kala kulantay kooxda Brighton oo marti ugu aheyd garooonka Anfield… +SAWIRRO

(Liverpool) 04 Feb 2021. Liverpool ayaa guuldarro kala kulantay kooxda Brighton & Hove Albion oo marti ugu aheyd garooonka Anfield, kaddib markii loogu awood sheegtay 0-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii kooxda martida aheyd ee Brighton & Hove Albion ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Steven Alzate oo caawin ka helay saaxiibkiis Leandro Trossard.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 oo ay Brighton & Hove Albion kaga soo adkaatay kooxda Liverpool oo ay ku booqatay garooonka Anfield, Reds ayaa haatan ku jirta booska 4-aad ee kala sareynta horyaalka iyadoo leh 40 dhibcood.

SAWIRRO:

Alzate celebrates his goal vs Liverpool

Image

Pascal Gross battles for possession.

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close