Conte oo sharaxaad ka bixiyay guuldarradii kooxdiisa ka soo gaartay Juventus kulankii lugta hore ee Semi-finalka Coppa Itali

(Milano) 03 Feb 2021. Tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa rumeysan in Nerazzurri ay sidoo kale ciyaartay kulan wanaagsan, inkasta oo guuldarro ay ka soo gaartay Juventus.

Juventus ayaa guul ka soo heshay kooxda Inter Milan oo ay ku booqatay garoonka Giuseppe Meazza kulankii lugta hore Semi-finalka ee Coppa Itali, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, iyadoo labada gool Juve uuu dhaliyay Cristiano Ronaldo, halka goolka qura ee Nerazzurri uu u dhaliyay weeraryahanka reer Argantina ee Lautaro Martinez.

Antonio Conte ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Waxaan siiney laba hadiyad qeybtii hore, waxaan sameynay wax walba, waxaana u maleynayaa inaan soo bandhignay wax qabad aad u wanaagsan.”

“Hadda waa inaan ku guuleysanaa 2 gool kulanka lugta labaad, laakiin hadda waa inaan ka fikirnaa kulanka Fiorentina, kaddibna waxaan isku diyaarin doonaa kulanka soo laabashada.”

“Xaqiiqdii waxaa jira xaalad cayiman, mana jirto macno lagu qariyo, waxaan bilownay mashruuc bishii August ee la soo dhaafay haatana waa la joojiyay.”

“Waxaan ku soo laabanay kulankii maanta waana ognahay waxyaabaha dhibaatada na galin kara, waxaan kula ciyaarnay Juventus si lamid ah sidii aan u ciyaarnay kulankii horyaalka, mana u ogolaanin inay fursad ku abuuraan Samir Handanović.”

“Waan ixtiraamayaa qiimeyn kasta, laakiin natiijada had iyo jeer waxaa go’aamiya garsoorayaasha, waxaan ku bilownay xilli ciyaareedkan qaab weerar ah, waxaana soo bandhignay halisteena, maantana waxaan heysanay go’aan wax ku ool ah, laakiin waan ixtiraamayaa qof walba fikirkiisa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close